Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhaqaatiir Cuban ah oo laga afduubtay Kenya


Mandera County, Kenya
Mandera County, Kenya

Koox hubeysan ayaa laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba ka afduubtay xuduudda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya, xilli ay shaqo u socdeen, waxayna sidoo toogasho ku dileen sarkaal boolis ah oo ilaalinayey.

Warbaahinta gudaha Kenya ayaa weriyey in booliska ay rumeysan yihiin in kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya ay afduubteen dahqaatiirtan.

Afhayeen u hadlay booliska Kenya, Charles Owino ayaa sheegay in dableyda oo watay laba baabuur oo Toyota ah ay joojiyeen baabuur siday dhaqaatiirta Cuban-ka ah iyo laba sarkaal oo la socotay, xilli ay marayeen bartamaha magaalada Mandheera.

“Hal sarkaal ayey toogasho ku dileen, kadibna baabuurtoodii iyo dhaqaatiirtii ayey kala gudbeen xuduuda Soomaaliya” ayuu yiri Owino.

Lama yaqaan xaaladda uu ku sugan yahay sarkaalka labaad ee booliska.

Owino ma sheegin cidda fulisay weerarka. Hase yeeshee, kooxda Al-Shabaab ayaa horey u sheegatay mas’uuliyadda weeraro dhowr ah oo ka dhacay gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, kuwaas oo rayid iyo shaqaale amni lagu dilay.

XS
SM
MD
LG