Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Al-Bashiir oo is-casilay


Sudan
Sudan

Madaxweynaha dalka Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa is-casilay kadib ku dhowaad afar bilood oo dibad-baxyo looga soo horjeeday xukunkiisa 30-ka sano, sida ay werinayaan wakaaladaha wararka.

AP iyo Reuters ayaa labaduba qoray inay ilo-wareedyo ka tirsan dowladda ka ogaadeen in Al-Bashiir oo 75 jir ah uu xilka ka degayo, islamarkaana ay socdaan wada-tashiyo la xiriira sidii loo dhisi lahaa gole ku meel gaar ah.

Warbixinada ku saabsan is-casilaadda Al-Bashiir ayaa yimid saacado kadib markii taleefishinka dowladda uu sheegay in ciidamada ay maanta ku dhowaaqi doonaan “war muhiim ah” base aan bixin faah-faahin.

Kumanaan ka mid ah dadka magaalada Khartoum ayaa kusoo qul-qulay waddooyinka ayaga oo u dhaqaaqay xarunta ciidamada milatariga, halkaasi oo dibad-baxayaasha ay hor degenaayeen tan iyo sabtidii.

Ugu yaraan 22 qof ayaa lagu dilay isku dhacyo dhex-maray ciidamada iyo dibad-baxayaasha, sida ay sheegaan kooxaha u dhaqaaqa bulshada.

Waxaa jira warar sheegaya in gaadiika ciidamada ay hareeyeen madaxtooyada, oo ku dhex-taalal xarunta ciidamada.

Reuters iyo AFP ayaa sidoo kale weriyey in askarta ay weerareen xarunta xisbiga Al-Bashiri ee talada haya.

Dibad-baxyada Sudan ayaa billowday 19-kii December 2018, markaasi oo qaar ka mid ah shacabka ay dowladda Al-Bashiir ku eedeeyeen inay si xun u maareysay dhaqaalaha dalka, taasi oo sababtay sare kac ku yimid qiimaha cuntada iyo shidaalka.

XS
SM
MD
LG