Waxaa xal laga gaaray muran u dhaxeeyay ganacsatada magaalada Islii iyo waaxda canshuuraha dalka Kenya, kaasi oo sababay in maalmo la xiro suuqa Islii.
Murankan ayaa salka ku hayey culees xagga canshuuraha oo ganacsatada ay ka cabanayeen.
Falastiin Axmed Iimaan ayaa arrintan ka wareysatay Cumar Axmed Buux oo ah isku duwanaha guddiga ganacsatada Islli.