Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali ka Qaybgaleysa Maalinta Muslimiinta Mareykanka


Maxamed Khayre iy Maxamed Xussen

Maanta waxa magaalada Washington ee caasimada dalka Mareykanka ka furmeya shir sanadle ah oo ay Muslimiinta Mareykanka isugu yimaadaan iyaga oo la kulmaya sharcidajiyeyaasha dalkan, madax kale iyo waliba ururo Muslimiin ah oo gobollada kala duwan ee dalkan xarumo ku kala leh.

Ururada Muslimiinta ah ee ka qaybgalaya kulankan waxaa ka mid hay-adda Ayaana oo kulmiso masaajid u badan kuwa ay Soomaalidu maamusho oo dalka dacaladiisa ku kala yaal.

Maxamed Khayre Jaamac, xoghayaha Masjidka Abubakar ee Takwila, gobolka Washington iyo Maxamed Xussen Xaaji oo xubin ka ah gudiga masjidka waxa ay ka mid yihiin ergada Muslimiinta ah ee ka qaybgaleysa kulankan. Waxa ay xaley nagu soo booqdeen xarunta VOA oo aan ka fogeyn goobta uu kulanku ka dhacayo.

Jaamac Buulle Jaamac ayey uga warameen kulankan iyo waxa uu sanadkan ku saabsan yahay. Maxamed Xussen ayaa ku horeynaya.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:47 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG