Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Uganda: Xukunka Museveni oo la gaarsiinayo 40 sano


Yoweri Museveni
Yoweri Museveni

Xubnaha baarlamanka ugu jira xisbiga haya talada dalka Uganda ayaa taageeray isku day uu madaxweyne Yoweri Museveni ku doonayo in mar kale dib loogu doorto hoggaanka dalkaas, sida ku cad qaraar ay isku raaceen.

Guul uu ka gaaro doorashada xigta oo dhaceysa 2021, ayaa xukunka Museveni oo 74 jir ah, waxa ay gaarsiin doontaa 40 sano, taasi oo noqon doonta mid ka mid xukunnadii ugu dheeraa Afrika.

Guddi muhiim ah oo ka tirsan xisbiga talada haya ee NRM ayaa sidoo kale bishii tagtay taageeray in Museveni mar kale uu xukunka qabto. Go’aanka ugu dambeeya ee ergada xisbiga ayaa lagu dhowaaqi doonaa dhammaadka sanadkan.

Qoraal maanta kasoo baxay xubnaha xisbiga NRM ee baarlamanka ayaa lagu yiri “Waxaan kula talineynaa ihoggaanka xisbiga iyo xubnaha kaleba lasii wado hoggaanka hoggaamiyaha aan jecelnahay ee walaalkeen ah, Yoweri Museveni, wax ka baxsan 2021”.

Dowladda Museveni ayaa horey laba mar u beddeshay dastuurka dalkaas, si loogu ogolaado inuu xukunka dheereysto.

Sanaddii 2005 waxaa dastuurka laga saaray qodob dhigayey in laba xilli ka badan aan madaxweyne xilka hayn karin. 12 sano kadib, waxaa laga saaray qodob dhigayey in qof ka weyn 75 sano aanu xukunka qabin karin.

XS
SM
MD
LG