Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ammaanka Masaajidda W/Ameerika oo la adkeeyey


Masaajid badan oo ku yaalla wadamada Yurub iyo Waqooyiga America ayaa qaadey tallaabooyin ay kaga hor-tagayaan in weerar lala beegsado kadib weerar lagu qaaday masjid ku yaalla dalka New Zealand.

Inta badan duqowda magaalooyinka waa weyn ee Yurub ayaa ku taageerey masaajidda in ciidanka ammaanku ay sugayaan goobaha ay muslimiintu ku cibaadeystaan. Halka qaar ka mid ahna ay booqdeen masaajidda xilligii salaada Jimcaha ee Yurub.

Masaajiddka maanta manigooda la sugay waxaa ka mid ah kuwa ku yaalla gobolka Minnesota ee Mareykanka iyo gobolka Ontario ee Canada, oo ay labaduba Soomaalidu ku badan tahay.

Maxaa talaabo ah oo iyagu ay qaadeen. Nuur Xassan Nuur, ayaa warbixintan ku eegaya.

Ammaanka Masaajidda W/Ameerika oo la adkeeyey
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:46 0:00

XS
SM
MD
LG