Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Macron oo bogaadiyey go'aanka Bouteflika


Abdelaziz Bouteflika
Abdelaziz Bouteflika

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa ku booriyey mas’uuliyiinta Algeria inay abaabulaan xukun kala wareegid la aqbali karo, kadib markii madaxweyne Abdelaziz Bouteflika uu ka laabtay damaciisa ahaa inuu mar shanaad u tartamo kursiga.

“Waxaan soo dhoweynayaa go’aanka madaxweyne Abdelaziz Bouteflika oo bog cusub oo horumar dimqoraadiyad ah u billaabaya Algeria” ayuu ku yiri Macron shir jaraa’id oo uu ku qabto dalka Jabuuti oo uu booqanayo.

“Waxaan soo dhoweynayaa sharafta ay shacabka Algeria, gaar ahaan dhallinyarada ku muujiyeen rajadooda iyo damacooda isbeddel doon, iyo dhaqanka xirfadeed ee ciidamada amniga” ayuu yiri.

Hase yeeshee waxa uu sheegay in waddanka uu u baahan waqti kala guur oo la aqbali karo, kaasi oo lagu soo afjarayo xukunka labaatanka sano ee Bouteflika.

Sharci-dejiyayaasha Faransiiska ayaa ka walaacsan xasilooni darrada dalka Algeria, oo laba toddobaad ka badan ay ka taagnaayeen dibadbaxyo ka dhan ah Bouteflika.

Abdelaziz Bouteflika oo 82 jir ah, ayaa farriin ay baahisay wakaaladda wararka dalkaas ee APS, Isniintii ku sheegay inuu ka haray tartanka doorashada, islamarkaana shir-weyne qaran iyo isbeddel lagu sameeyo dastuurka la qaban doono dhammaadka 2019.

XS
SM
MD
LG