Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarad ay Leedahay Itoobiyaan Airlines oo Burburtey


Wararka naga soo gaaraya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ay burburtay diyaarad ay leedahay Itoobiyaan Airlines taas oo ay ku dhinteen dhamaan rakaabki saarnaa oo gaarayay 149 oo uu ku jiro muwaadin Soomaali ah iyo shaqaalihii diyaaradda oo ahaa 8 ruux.

Diyaaraddan ayaa saakay ka soo duushey Addis Ababa, waxana ay ku sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. War ka soo baxay shirkadda Itoobiyaan Airlines ayaa lagu xaqiijiyay in ay dhinteen dhamaan dadki saarnaa oo tiradoodu ay ahayed 157.

Diyaaradda oo nooceedu aheyd Boeing 737 ayaa ku dhacday meel u dhaw magaalada Bishoftu ee dalka Itoobiya.

Raysul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa war uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka uga tacsiyeeyay qoysaska iyo ehellada dadka ku dhintay diyaaradda. Hasa ahaatee, wali lama shaacin magacyada dadki saarnaa diyaaraddaasi.


Wixii faah-faahin ah oo ku soo kordha dib ayaan idin kala socod siin doonnaa.

XS
SM
MD
LG