Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorasho kale oo ka socota Nigeria


Haweeneey codkeeda ka dhiibatay saakay xarunta codbixinta Makoko ee duleedka magaalada Lagos, Nigeria, March. 9, 2019.
Haweeneey codkeeda ka dhiibatay saakay xarunta codbixinta Makoko ee duleedka magaalada Lagos, Nigeria, March. 9, 2019.

Dadka reer Nigeria ayaa maanta oo sabti ah soo dooranaya gudoomiyaasha gobollada iyo golayaasha dowladaha hoose ee dalka oo dhan.

Doorashadaan ayaa kusoo aadeysa laba todobaad kaddib marki uu madaxweyne Mohamadu Buhari ku guuleystay doorashadi madaxweynaha.

Goobaha cod bixinta ayaa saakay todobadi ka furmay 29 gobol oo ka mid ah 36-da gobol ee Nigeria, sidoo kale waxay ka furmeen magaalada Abuja oo ay dadku soo dooranayaan golaheeda deegaanka.

Natiijada ayaa lagu wadaa in ay soo baxdo Isniinta soo socota.

XS
SM
MD
LG