Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin: Soomaali ka Tartamaysa Doorashada Gobollada Holland


Doorashada gobollada dalka Holland ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 20-ka bishan, waxaana ka qaybgalayo labo dhalinyaro Soomaalida dalkaasi ku dhaqan oo xisbiyo kala duwan u tartamaya.

Gobollada Koonfurta iyo Waqooyiga Holland, oo ah magacyada gobollada ugu caansan dalkaasi islamarkaasna ugu dadka badan, ayna ka mid yihiin magaalooyinka Amsterdam, Hague, iyo Rotterdam ayaa waxa musharaxiin ka ah, Nuur Iikar iyo Xamdi Cabdirixmaan Garjeex oo labaduba yaraan ku tagey dalkaasi horaantii 90-naadkii.

Labadan musharax ayaa utartamaya xisbiyada Denk iyo Nida oo ah xisbiyo ay Muslimiintu leeyihiin. Xisbiga Denk ayaa dhowr xildhibaan ku leh gollaha shacabka Holland, halka ay labaduba dowladaha hoose ee Hague iyo Rotherdam xubno ku kala leeyihiin.

Jaamac Buulle Jaamac ayaa warbixintan nooga diyaariyey.

Warbixin Doorashada Holland
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:15 0:00

Nuur Iikar
Nuur Iikar

Xamdi
Xamdi

XS
SM
MD
LG