Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hindiya iyo Pakistan oo madaafiic isugu jawaabay


Ciidanka Hinidiya ee Kashmir
Ciidanka Hinidiya ee Kashmir

Milatariga dalalka India iyo Pakistan ayaa duqeymo sababay khasaaro nafeed isugu jawaabay, hal maalin kaddib marki ay Pakistan ku wareejisay Hindiya duuliihi ay Pakistan qabatay.

Saraakiish ciidanka India ee jooga Kashmir ayaa sheegay in madaafiic ay soo tuureen ciidanka Pakistan ay ku dhinteen saddex qof oo hal qoys kasoo wada jeeda, oo kala ahaa hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay, sidoo kale waxaa dhaawac halis ah uu soo gaaray aabaha qoyskaas.

Pakistan dhankeeda waxay sheegtay in madaafiic kaga timid dhanka India uu ku dhintay hal qof saddex kalana ay dhaawac kasoo gaareen.

Xiisad colaadeed ayaa baryahaan ka jirtay xadka gobolka lagu muransayahay ee Kashimir, tan iyo marki ay kooxda fadhigeedu yahay Pakistan ee Jesh e Mohamed ay dileen in ka badan 40 askari oo ka tirsanaa ciidanka keydka Hindia bishi hore.

XS
SM
MD
LG