Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump iyo Kim oo ku kulmaya Vietnam


Hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi, Kim Jong Un ayaa maanta tegay magaalada Hanoi ee dalka Vietnam, ka hor kulan madaxeedka labaad ee uu la yeelanayo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Shirkan ayaa la filayaa in waddo loogu jeexo dadaallada la doonayo in hubka Nukliyeerka looga dhigo Korea-da Waqooyi.

Madaxweyne Trump ayaa isna isla caawa, xilliga Vietnam, waxa uu magaalada Hanoi ku tagay diiyaaradda madaxweynaha ee Air Force One.

Ka hor inta uusan ka bixin Washington, Trump ayaa rajo ka muujiyey inuu heshiis ka gaari doono ballan-qaadka Kim Jong Un ee ah inuu hubka Nukliyeerka baabi’inayo.

Qoraal uu soo dhigay Twitter ayuu Trump ku sheegay in Korea-da Waqooyi ay wajihi doonto saboolnimo la mid ah tan hadda haysa, haddii aysan dhigin hubka Nukliyeerka. “Kim waxa uu qaadan doonaa go’aan wanaagsan” ayuu yiri Trump.

XS
SM
MD
LG