Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliban oo rajo ka muujisay wada-hadallada Mareykanka


Kooxda Taliban ayaa sheegtay inay rajeeneyso “natiijo cad oo miro-dhal ah” oo kasoo baxa wada-xaajoodyo ay la leeyihiin saraakiisha Mareykanka oo maanta ka billowday magaalada Doha ee dalka Qatar.

Afhayeenka Taliban, Suhail Shaheen ayaa sheegay in wada-hadallada diiradda lagu saarayo laba qodob ee dhinacyada ay isla garteen oo muhiim u ah in lasoo afjaro dagaalka 17-ka sano ka socda dalka Afghanistan.

Labada qodob ayaa kala ah in ciidamada ajnabiga ah ay ka baxaan dalka Afghanistan iyo in la xaqiijiyo in Afghanistan aanay koox ama shaqsiyaad u adeegsan goob laga weeraro Mareykanka iyo xulufadiisa.

Dhinaca kale, Mullah Abdul Ghani Baradar oo ka mid ah aas-aasayaasha Taliban oo bishii October ee 2018 laga sii daayey xabsi ku yaalla Pakistan, ayaa soo gaaray Doha, si uu uga qeyb-galo wada-hadallada.



XS
SM
MD
LG