Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Koox IS ka tirsan oo wali ku harsan Suuriya


Ciidamada uu Maraykanku taageero ayaa u dhaw inay kooxda IS ka xoreeyaan goobtii u danbaysay ee ay ka joogeen dalka Suuriya.

Qoraal ay isbahaysiga halkaasi ka dagaalamaa soo dhigeen barta Twitter-ka, ayay ku sheegeen in intii badnayd ee maleeshiyaadku ay wali hadhsan yihiin, iyagoo intaasi sii raaciyey in ciidamadan uu Maraykanku gacanta siiyaa ay sii wadaan inay qaabilaan dadka rayidka ah ee ka soo cararaya kooxda si ay u bad-baadaan.

Warka isbahaysiga ayaa soo baxay saacado uun kadib markii kooxda dimuqraadiyada Suuriya ee Kurdiyiintu ay hogaamiyaan ay jabiyeen goob ay ku sugnaayeen dagaalyahanada IS taasi oo ay wali ka haysteen deegaanka Bāghūz si ay u soo daayaan boqolaal qof oo rayid ah oo ay ku jiraan caruur iyo haween.

XS
SM
MD
LG