Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Nauert oo ka Cudurdaaratay Xilka Danjiraha Q.M.


Haweeney uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump u magacaabay danjiaha Mareykanka ee Qaramada Midobaay ayaa ka cudurdaaratay xilkaas sababo dhanka qoyska ah.

Heather Nauert oo hadda ah afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa bishii December ee sannadki tagay uu madaxweyne Trump u magacaabay xilka danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay si ay u badasho Nikki Haley oo xilkas iska casishay dhamaadkii sannadkii 2018-ki.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in Nauert ay u diidday xilka loo magacaabay kaddib marki la ogaaday in gurigeeda ay muddo 10 sano ah ka shaqeysay haweeney si sharci darro ah ku daganeyd Mareykanka, taasoo u heyn jiray carruurta.

Wargeyska The Washington Post ayaa sheegay in haweeneyda guriga uga shaqeynaysay Heather Nauert aysan bixinin muddo 10 sano ah lacagihi canshuuraha waajibka ahaa, isla markaana ay mushaharka ku qaadan jirtay lacag caddaaan ah.

Nauert waxaa kale oo ay iska casishay xilka afhayeenka Waaxda aArrimaha Dibadda oo ay kasoo shaqeysay labadii sano ee lasoo dhaafay.

Heather Nauert ayaa ka hor inta aysan ku biirin maamulka madaxweyne Trump waxay ay ka tirsaneyd wariyeyaasha TV-ga Fox oo ay warka ka akhrin jirtay.

XS
SM
MD
LG