Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Trump oo xaalad deg deg ah ku dhawaaqay


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo qaran si uu uga maarmo in Kongreska uu u ansixiyo lacag uu doonayo in uu ku dhiso xadka Mareykanka iyo Mekisko.

Trump oo shir jaraa'id maanta qabtay ayaa sheegey in xaalad cakiran ay ka jirto xadka Mareykanka iyo Meksiko, ayna tahay in lala tacaalo.

Waxa uu sheegey in madaxweynayaal isaga ka horreeyay ay xaalado deg deg ah hore ugu dhawaaqeen, isaguna uun sidaasu sameynaayo.

Dimuqraaddiyiinta ayaa si weyn uga hor yimid go'aanka Trump, waxayna ku eedeyeen in uu madaxweynuhu uu abuurayo xaalado aanan jirin.

Maxamed Colaad Xasan ayaa inoo soo koobaya warbixin arrintaasi ku saabsan.

Dhageyso Trump oo xaalad deg eg ah ku dhawaaqay
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:16 0:00

XS
SM
MD
LG