Isku xirrada

War Deg-Deg ah

17 qof oo ku dhimatay dab ka kacay India


Ugu yaraan 17 ruux ayaa ku dhimatay dab manta oo Talaado ah ka kacay hotel ku yaalla India, ka hor inta aanu waagu beriyin.

Dabka ayaa ka kacay hotelka Arpit Palace oo ku yaalla bartamaha magaalada ciriirga badan ee Delhi, waxana la arkayay sawirada qiiq fara badan oo ka baxaya qeybta saree e hotelka.

Sarkaal ka tirsan waaxda dab damiska, Sunil Choudhary ayaa wakaaladda wararka ee AFP u u xaqiijiyay in ay dabka ku dhinteen 17 qof.

Warbaahinta gudaha, ayaa ku warantaya in dadka dhintay ay ku jiraan caruur iyo haween isku dayay inay dabka ka baxsadaan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG