Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Man City oo 6 gool u dhiibtay Chelsea


Manchester City
Manchester City

Kooxda kubadda cagta Chelsea ee dalka Ingiriiska ayaa Axadi shalay kala kulantay dhigeeda Manchester City guuldarradi ugu xanuunka badneyd ee ay kala kulanto horyaalka koowaad ee dalka Ingiriiska, tan iyo sannadki 1991-ki.

Manchester City cashirka ay Chelsea xalay fiidkii garoonkeeda Etihad Stadium waxaa macallimiin ka ahaa oo aad uga muuqday ciyaartooyda kala ah Sergio Aguero oo dhaliyay saddex gool iyo Reheem Sterling oo laba jeer soo taabgay shabaqa, halka hal gool uu dhaliyay laacibka asal ahaanta kasoo jeedo Turkiga ee Ilkay Gunduan.

Tababaraha Chelsea Marizio Sarri oo ah nin u dhashay Talyaaniga raali gelin ayuu ka bixiyay guuldarrada qaraar. Waxaana uu u ballan qaaday taageerayaasha kooxda natiijooyin ka farxiya.

Dhanka kalana, kooxaha waaweyn ee Sabtidi ciyaaray ayaa dhamaantood wada badiyay. Liverpool ayaa dib ugu soo laabatay qeybta sare ee horyaalka Premier League ee dalka England, kaddib marki ay si xarago leh 3-0 ugu martay kooxda AFC Bournemouth.

Goolasha ay Liverpool ku badisay waxaa saxiixay, Sadio Mane, Doergino iyo Mohamed Salah.

Liverpool waxay hogaanka kala wareegtay Manchester City oo Axada berrito ah la ballansan kooxda Chelsea.

*Kooxda Manchester United ayaa la wareegtay kaalinta afraad ee horyaalka Ingiriiska, kaddib marki ay galabnimadi Sabtidi 3-0 ku garaaceen kooxda Fulham.

Guushan ayaa ah tii 10-aad 11-ki kulan ee lasoo dhaafay ee uu kooxda laylinayo macalinka kumeel gaarka Ole Gunnar Solskjaer.

Sadexda gool ee ay United ku badisay labo ka mida waxaa dhaliyay laacibka khadka dhexe ka ciyaara ee Paul Pogba, halka goolka kalana uu si qurux badan u dhaliyay Anthony Martial.

Waxaa iyaduna badisay kooxda Arsenal oo 2-1 ku qabatay Huddersfield Town.Alex Iwobi iyo Alexander Lacazette ayaa goolasha u dhaliyay Arsenal. Goolka ay keentay Hurdesfield waxaa uu ahaa mid uu kooxdiisa ka dhaliyay Sead Kolasinac.

Tottenham oo ku jirta kaalinta saddexaad waxay Axadi shalay 3-1 uga badisay Leciester City.

XS
SM
MD
LG