Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jigjiga: ONLF iyo ciidamada booliska oo la isku dhafay


jigjiga
jigjiga

Jabahadda ONLF oo muddo 30 sanadood ka badan dagaal madax banaani doon ah kula jirtay dowladda Ethiopia, ayaa ugu dambeyntii shalay hubka dhigtay ciidamadeedana ku biirisay kuwa maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ee dalkaas.

Xaflad shalay lagu qabtay magaalada Jigjiga ayaa Jabahadda ONLF ciidamado ku dhow 2000 oo askari ay ku dartay ciidamada booliska ee gobolka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay madax ka socotay Jabhadda ONLF, madaxda dowlad deegaanka iyo odayaasha dhaqanka.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Mustafe Muxumed Cumar, oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in hub kadhigista ONLF ay ka dhigantahay bog u cusub oo u furmay nabadda iyo horumarka gobolka.

Jabahadda ONLF ayaa in muddo ahba saldhig ku laheyd dalka Eritria, waxaana madaxdeeda ay Ethiopia ku noqdeen qiyaastii laba bilood ka hor, markii maamulka Ra’isul Wasaaha Ethiopia Abiy Ahmed uu ugu baaqay jabahadda hubeysan ee mucaaradka Ethiopia inay dalkooda ku noqdaan oo ay hadafkooda ku gaaraan si nabadeed.

Dadka ka hadla siyaasadda gobolka ayaa aaminsan in talaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaaday Jabadda ONLF inay muujinayaan in Jabahaddu ay hadda ka tanasushay in dagaal hubeysan ay wax ku raadiso oo ay dooneyso inay qeyb ka noqoto isbedelka iyo siyaasadda cusub ee Ethiopia.

XS
SM
MD
LG