Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo caawa jeedin doona khudbadda "Qaranka"


Trump

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa la filayaa in caawa uu jeediyo khudbadiisa labaad ee qaranka, isaga oo la hadli doono xubno badan oo ku cusub aqalka congress-ka, oo ay ku jiraan haween iyo kuwa kasoo jeeda bulshooyinka laga tirada badan yahay.

Waxaa Trump gadaal fariisan doonta afhayeenka Aqalka Wakiilada, Nancy Pelosi oo dagaal siyaasadeed la gashay Trump markii ay isku khilaafeen miisaaniyadda dowladda, taasi oo dhalisay in bil iyo bar ku dhow ay hakad galaan howlihii dowladda.

Khudbaddan ayaa dib uga dhacday waqtigeeda oo ahaa 29-ka Janaayo, kadib markii Pelosi ay ka hor-istaagtay Trump inuu jeedo ilaa howlaha dowladda dib looga billaabayo.

Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad, Trump ayaa ka hadli doona mowqifkiisa arrimaha socdaalka iyo amniga xuduudda, ilaalinta shaqaalaha Mareykanka, xiriirka ganacsi ee Shiinaha iyo hoos u dhigista qiimaha daryeelka caafimaadka.

Sarkaalka ayaa sheegay in khudbadda ay noqon doonto mid “mideyn iyo rajo wanaag” ku dhisan.

XS
SM
MD
LG