Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo ka baxay heshiiska Nuclear-ka INF


Dowladda Mareykanka ayaa maanta ku dhowaaqday inay ka baxeyso heshiiska tobanaanka sano jira ee xakameynta hubka Nuclear-ka ee ay kula jirtay Ruushka.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa maanta sheegay in laga bilaabayo labada Febraayo, Washington ay hakin doonto u hogaansaminta heshiiska xakameynta hubka nuclear-ka ee riddada dhexe, loona yaqaan INF.

Mareykanka ayaa ku eedeeyey Ruushka inay ku xadgudbeen qodobada heshiiskan oo soo jiray tan iyo dagaalkii qaboobaa. Ruushka waa ay beeniyeen eedeymaha Mareykanka.

Heshiiskan ayaa ahaa kii ugu horreeyey dunida ee xakameynta hubka, wuxuuna mamnuucayaa qeyb ka mid ah hubka nuclear-ka oo ah midka gaara ilaa 5,500 oo km.

Pompeo ayaa weriyayaasha ugu sheegay xarunta wasaaradda arrimaha dibedda, in Mareykanka uu si rasmi ah ogeysiiskan ugu gudbin doono Ruushka lix bilood kadib, haddii aysan dib ugu soo laaban u hogaansaminta qodobada heshiiska.

Caasho Ibrahim Aden ayaa heshiiskan iyo saamaynta ka dhalan karta hakintiisa waxa ay ka wareystay Cabdiqafaar Cabdi Wardheere oo ka faalooda arrimaha Marykanka iyo caalamka kuna sugan gobolka Virginia ee dalka Maraykanka.

Dhageyso Faalanqeynta Hakinta Heshiiska
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:42 0:00

XS
SM
MD
LG