Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wariye ku xirneyd Mareykanka oo lagu soo dhaweeyay Iran


Wariye Mareykanka ku dhalatay oo ka howl gasha TV-ga afka dowladda Iran ku hadla, ayaa dib ugu laabatay Iran kadib markii muddo ka badan isbuuc ay ku xirneyd Mareykanka.

Marzieh Hashemi, oo war akhriye ka ah Press Tv, ayaa la xirey 13-kii January kadib markii ay soo caga dhigatay St. Louis, Missouri, oo ay qoyskeeda ku booqaneysay. Waxa la hayay muddo 10 beri ah.

Masuuliyin Mareykan ah ayaa sheegey in la sii daayay Marzieh isbuucii la soo dhaafay kadib markii baaris lagu sameeyay.

Dowaldda Mareykanka ayaan faahfaahinin kiiska gabadhhaasi wariyaha aheyd.

Marzieh ayaa boqollaal dad ah ku soo dhaweeyay gegeda dayuuradaha ee Imam Khomeini International Airport Arbacadii.

XS
SM
MD
LG