Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad badan oo ku dhintay doon ku degtay xeebta Jabuuti


Wararka ka imanaya Jabuuti waxay sheegayaan in la helay maydka ilaa 53 ka mid ah dadkii ku dhintay dooni ay la socdeen dad tahriibayaal ah, xeebta Obokh ee dalka Jabuuti maalintii shalay.

Shan ka mid ah dadkan ayaa la helay isla shalay. Halka 48-ka kalena la helay arbacada maanta ah.

Hay’adda socdaalka muhaajiriinta IOM ayaa iyaduna sheegtay in shaqaalaheeda ku sugan Obokh ay soo tebiyeen in lasoo badbaadiyey 16 qof.

Doonta degtay ayaa ka mid ahayd laba doonyood oo la sheegay inay wadeen dad gaadhaya 130 qof oo u socday dalka Yemen.

Sannadkii hore ayey IOM sheegtay inay xeebaha Jabuuti ku dhinteen dad ka badan 150 oo tahriibayaal ah.

Sagal Siciid ayaa warbixintan noga soo dirtay Jabuuti.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:22 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG