Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka iyo Taliban oo dhisaya guddiyo farsamo


Ergeyga Mareykanka ee Afghanistan, Zalmay Khalilzad.
Ergeyga Mareykanka ee Afghanistan, Zalmay Khalilzad.

Dowladda Mareykanka iyo kooxda Taliban ayaa isku raacay in labadaba ay dhisaan laba guddi farsamo oo go’aan ka gaaraya habka ay ciidamada Mareykanka iyo NATO uga baxayaan dalka Afghanistan.

Guddiyadan ayaa sidoo kale ka shaqeyn doona sidii looga hor-tagi lahaa in argagixisada ay dalkaas u adeegsato meel laga weeraro Mareykanka iyo xulufadiisa.

Madaxa wadaxaajoodka Taliban, Mullah Abbas Stanikzai ayaa shaaca ka qaaday faah-faahinadan kadib toddobaad wadaxaajood ah oo uu dalka Qatar kula yeeshay ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan dib u heshiisiinta Afghanistan, Zalmay Khalilzad.

“Labada guddi waxay diyaarin doonaan hindisayaal waxayna qaadan doonaan go’aan ay soo saari doonaan miiska wada-hadallada xiga ee 25-ka Febraayo ka dhacaya Doha” ayuu yiri Stanikzai.

Waxa uu sheegay in kadib la qaban doono kulan ballaaran oo ay ka qeyb gali doonaan quwadaha adduunka, QM iyo wakiilo ka socda dalalka Islaamka, kuwaasi oo damaanad qaadayaal noqon doona, ayada oo xaqiijin la siin doono ciidamada shisheeye si ay uga baxaan Afghanistan.

XS
SM
MD
LG