Isku xirrada

War Deg-Deg ah

J. Bolton oo u Digay Xeer Ilaaliyaha Venezuela


Lataliyaha Amniga Qaranka Maraykanka John Bolton ayaa u digay Xeer Ilaaliyaha dalka Venezuella, isaga oo sheegay in cirib xumo uu la kulmi doono, ka dib markii xeer Ilaaliyuhu uu sheegay in uu Maxkamadda Sare ee dalka ka codsaday in hogaamiyaha mucaaradka Juan Guaido uuna dalka ka bixin.

Fariin dhinaca twitterka ah ayaa John Bolton uu ku yiri “Waan dhaleeceynaynaa hanjabaadaha Xeer Ilaaliyihii hore ee Venezuela ee aan sharciga ku fadhiyin uu u geysanayo madaxweyne Juan Guaido.
Bolton waxa uu intaas ku daray inay cirib xumo u dambeynayso kuwa isku daya in ay mijo xaabiyaan dimoqraadiyadda, isla markaana waxyeelleeyaan Guaido.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee VenezuellaTaariq Williab Saab ayaa sidoo kale maxkamadda ka codsaday inay xayirto koontoonyinka dhinaca maaliyadda ee Mr. Guaido, xilli uu xeer ilaaliyuhu bilaabay baaris lagu sameynayo dhaqdhaqaaqyada Mr. Guaido ee uu kaga soo horjeedo Madaxweynaha dawladda shuuciga ah, Nicolas Maduro.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG