Khilaaf u dhexeeyey guddoomiyaha xisbiga dowlad deegaanka Soomaalida iyo Madaxweynaha ismamaulka Soomaalida Itoobiya ayaa la soo afjarey.
Todobaadkii hore ayaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu baahiyey sawirka guddoomiyaha xisbiga deegaanka Soomaalida Ahmed Shide iyo Madaxweyne Mustafa Muhumad Omar oo la kulmay Abiy.
Falastiin Axmed Iiman ayaa xalinta khilaafkaas iyo halka uu xisbigu u dhaqaaqayo ka wareysatey wasiirka warfafainta dowlad deegaanka Soomaalida Cabdullahi Maxamed Mooge, ugu horeyna waxa ay weydiisey qaabkii loo xaliyey khilaafkaas?