Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Brazil: Dad badan oo ku dhintay biyo-xireen dumay


Tirada dadki ku dhintay burburka Biyo-xireenki Jimcihi ku dumay Koofurta Bari ee dalka Brazil ayaa gaartay 58 qof, iyadoo wali la la’yahay dad gaaraya 300 oo qof.

Howlaha lagu baadi-goobayo dadka loo maleynayo in ay ku hoos jiraan dhoobada ayaa muddo kooban la hakiyay Axadii shalay, kaddib marki ay saraakiisha dowladda hoose ee Brumadinho ay ka baqeen inuu dumo biyo xireen kale oo ku yaalla magaalada.

Dadka deegaanka ayaa loo sheegay in ay u diyaar garoobaan in ay ka baxaan meelaha u dhaw dhaw biyo xireenka.

Dhanka kale guddiga caddaaladda Brazil ayaa xayiray lacag gaareysa 3 bilyan oo doollarka Mareykanka ah oo ay leedahay shirkadda macdanta qodda ee Vale oo iyadu laheyd biyo xireenka ay dadka ku baaba’een.

XS
SM
MD
LG