Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Korneel ka Goostay Dawladda Venezuela


Sarkaal sare oo ka tirsan millatariga dalka Venezuela ayaa ku dhawaaqay inuu ka baxsaday dowladda madaxweyne Nicolas Maduro, isla markaana uu hogaamiyaha mucaaradka Juan Guaido u aqoonsaday madaxweyne.


Colonel Jose Luis Silva ayaa ahaa u qeybsanaha dhinaca millatariga ee safaaradda Venezuella ay ku leedahay magaaladan Washington.

Muuqaal Video ah oo Sabtidi shalay uu baahiyay ayuu Colonel Silva ugu baaqay ciidanka qalabka in madaxweynaha Venezuella ay u aqoonsadaan Juan Guaido .

Arrintaan ayaa sii kordhineysa cadaadiska siyaasadeed ee dalalka reer galbeedka ku hayaan madaxweyne Nicolas Maduro ee ay qaarkood uga dalbanayaan in uu sameeyo doorasho waqtigeedi kasoo hormartay.

Halka qaar kale oo uu Mareykanka ugu horreeyo ay aqoonsadeen hogaamiyaha mucaaradka inuu yahay madaxweynaha waddanka.

Ruushka, Shiinaha iyo Turkey ayaa iyaguna garab istaagay madaxweyne Nicolas Maduro.

XS
SM
MD
LG