Isku xirrada

War Deg-Deg ah

RW Trudeau oo Danjirihiisii Shiinaha Shaqada ka Eryey


Ra’iusulwasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa shaqada ka ceyriyay danjirihii dalkiisa u fadhiyay Shiinaha, kaddib markii danjirahani uu si aysan dowladdu raalli ka aheyn uga hadlay kiiska haweeney u dhalatay dalka Shiinaha oo ku xiran dalka Canada.

Bayaan uu soo saaray Sabtidi shalay ayuu Trudeau ku sheegay inuu John McCallum ogolaaday iscasilaad uu weydiistay. Ma uusan faah-faahinin sababaha uu shaqada uga joojiyay danjire McCallum.

McCallum ayaa Talaadadi kusoo baxay cinwaannada hore ee warbaahinta, kaddib markii uu ka hadlay kiiska xasaasiga ah ee ay dowladda Mareykanka ku rabto in loogu soo gacan-geliyo Meng Wanzhou oo ah haweeneey u dhalatay dalka Shiinaha, taasoo tan iyo bishii December ku xiran magaalada Vancouver.

Waxaa la sheegay inuu falan-qeeyay siyaabo dhowr ah oo ay Meng sharci ahaan ugu dagaalami karto in aanan loo gacan gelinin Mareykanka.

Lama maalin kaddib ayuu raalli gelin ka bixiyay hadalkiisii, hase yeeshee Jimcihii ayuu mar kale sheegay in ay wacnaan laheyd haddii Mareykanka uu ka laabto doonista uu doonayo in loo soo gacan geliyo haweeneyda u dhalatay Shiinaha.

XS
SM
MD
LG