Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muwaadin Mareykanka oo Ruushka Maxkamad Lagu Soo Taagay


Paul Whelan
Paul Whelan

Maxkamad ku taalla dalka Ruushka ayaa diiday in dammaanad lagu sii daayo nin u dhashay dalkaan Mareykanka oo loo heysto inuu falal basaasnimo ah ka waday Ruushka.

Paul Whelan, oo ahaa askari u soo shaqeeyay ciidanka badda ee Mareykanka, ayaa Talaadadi shalay kasoo muuqday maxkamad ku taalla magaalada Moscow si uu abiil uga qaato xarigiisa.

Garsoorihii Maxkamadda ayaa amray in Whelan xabsiga lagu sii hayo ilaa dhamaadka bisha February. Haddii lagu helo eedaha loo soo jeediyay oo ah inuu ahaa jaajuus, waxaa dhici karta in lagu xakumo 20 sano oo xabsi ah.

David Whelan oo mataan la ah Paul, ayaa bayaan uu soo saaray kaddib dhageysiga maxkamadda ku sheegay, in wali ay dowladda Ruushka ka la’yihiin faah-faahin ku saabsan sababta ay ugu maleeyaan in Paul uu yahay basaasb.

Wuxuu sheegay in qoyskiisa ay ka walwalsanyihiin caafimaadkiisa iyo inuu naftiisa ku difaaco luqadda Ingiriiska muddada uu xiranyahay.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in ay in diblamaasiyiinta ay si dhaw ula socdaan kiiska Whelan, sidoo kalana ay dhageysigii maxkamadda ka qeybgaleen wakiillo matalayay safaaradda Mareykanka ee Moscow.

XS
SM
MD
LG