Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wada-hadallo u furmay Mareykanka iyo Taliban


Zalmay Khalilzad

Kooxda Taliban ayaa shaaca ka qaaday in wareeg cusub oo wada-haddallo nabadeed ah oo ay la leedahay Mareykanka uu Isniintii ka furmay dalka Qatar.

Afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in wada-hadalladan ay laba maalmood ka socon doonaan magaalada Doha.

Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan dib u heshiisiinta siyaasadeed ee Afghanistan, Zalmay Khalilzad ayaa hoggaaminaya waftiga Mareykanka.

“Kadib markii Mareykanka uu aqbalay ajendaha wada-hadallada ee ah inuu so afjaro haysashada Afghanistan iyo in laga hortago in mustaqbalka Afghanistan loo adeegsado dalal kale, wada-hadallo lala leeyahay wakiilada Mareykanka ayaa ka dhacay Doha” ayuu yiri Mujahid oo intaas ku daray “Wada-hadallada waxay socon donaan ilaa talaadada.”

Khalilzad ayaa hogaaminayey dhowr wareeg oo wada-hadallo oo bilihii dhowaa wakiilada Taliban lagula yeeshay Qatar iyo Imaaraadka Carabta.

Ilo diblomaasiyeed oo xog ogaal u ah kulamadii hore ayaa VOA u sheegay in wufuudda Taliban iyo Mareykanka la filayo inay isku raacaan hindise ay isku dhaafsadaan Abu Dhabi oo ku saabsan in waqti loo qabto ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Afghanistan, iyo xabad joojin deg de goo Taliban ay ku dhowaaqdo.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG