Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkiga oo isku diyaarinaya inuu la wareego Manbij


Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in milatariga Turkiga ay diyaar u yihiin in ay la wareegaan amaanka magaalada Manbij ee dalka Suuriya oo ay gacanta ku hayaan xoogaga Kurdiyiinta Suuriya ee gacanta ka helaya ciidanka Mareykanka.

War laga soo saaray xafiiska madaxweynaha Turkiga ayaa lagu sheegay in madaxweyna Erdogan uu Axadi shalay khadka telefoonka kula hadlay dhigiisa Mareykanak Donald Trump, maalmo yar kaddib marki ay kooxda Daacish weerar ay magaalada Manbij ka geystay ku dishay 19 ruux oo ay ku jireen saddex askari oo Mareykan ah.

Erdogan ayaa u sheegay madaxweyne Trump in weerarka uu ahaa mid daandaansi oo la rabo in lagu carqaladeeyo ka bixitaanka uu ciidanka Mareykan ee Suuriya.

Aqalka Cad ma uusan faah-faahin hadalka madaxweyne Erdogan ee ku saabsan magaalada Manbij, marka laga reebo in labada madaxweyne ay ku heshiiyeen in la sii wado wada-hadallada ku aadan xal u helidda amniga waqooyiga Suuriya.

XS
SM
MD
LG