Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab: Werarkii Nairobi wuxuu jawaab u ahaa go'aankii Trump


Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkii talaadadii ka dhacay magaalada Nairobi uu jawaab u ahaa hadalkii go’aankii madaxweyne Donald Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday inay tahay caasimadda Israel.

Al-Shabaab oo soo saartay war qoraal ah waxay sheegtay in weerarkaasi uu jawaab u ahaa waxa ay ku tilmaantay "hadalka aan xikmadda ku dhisnayn" ee madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu magaalada Al-Quds ugu aqoonsaday inay tahay caasimadda Israel.

Al-Shabaab waxay kaloo sheegtay in weerarkaasi uu jawaab u ahaa xadgudubka dawladda Israel ay ku hayso muslimiinta reer Falastiin.

Al-Shabaab waxay sheegtay in weerarkaas loogu magacdaray, "Al-Quds marna noqon mayso magaalo Yuhuud".

Madaxweynaha Kenya ayaa shalay sheegay in weerarkii hoteelka Dusit D2 lasoo af-jaray isla markaana la dilay argagixisadii weerarka soo qaadday. Uhuru Kenyatta waxa uu sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen 14 qof oo aan waxba galabsan.

XS
SM
MD
LG