Xubnaha golaha ammaanka QM ayaa si xooggan u cambaareeyey weerarkii argagixiso ee 15-kii bishan lagu qaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan.
Qoraalka kasoo baxay ayey xubnaha golaha ammaanka ugu tacsiyeeyeen dhibanayaasha iyo ehellada weerarka, iyo sidoo kale dadka iyo dowladda Kenya.
Xubnaha golaha ammaanka ayaa sheegay inay bogaadinayaan kaalinta Kenya ee la dagaalanka argagixisada, gaar ahaan kaalinteeda ciidamada Amisom ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.
“Xubnaha golaha ammaanka waxay carabka ku adkeynayaan in argagixisada noocee doonto ha noqoto, muuqaakii ay doontana ha yeelatee ay weli tahay halista ugu weyn ee nabadda iyo amniga dunida ay wajahayaan” ayaa lagu yiri qoraalka.
“Xubnaha golaha ammaanka waxay hoosta ka xariiqayaan in baahi loo qaabo, in fuliyayaasha, agaasimayaasha iyo maali-geliyayaasha ficillada argagixiso la horkeeno caddaaladda” ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxya ugu baaqeen dhammaan dalalka dunida si waafaqsan waajibaadkooda xeerarka caalamiga iyo qaraarada golaha ammaanka, ay dowladda Kenya iyo mas’uuliyiinteeda kala shaqeeyaan arrintan.
Xubnaha golaha ammanaka ayaa mar kale ku celiyey in ficil kasta oo argagixiso uu yahay dambi aan cudur daar lahayn, sababtuu doono ha yeeshee, cidii doonatana ha fulisee.