Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Ehellada wiilal ku dhintay weerarkii Nairobi


KENIA
KENIA

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in 14 qof oo rayid ah ay ku dhinteen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen hotel Dusit oo ku yaalla magaalada Nairobi.

14-ka qof ee ku dhintay weerarka Nairobi waxaa ku jiray laba qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo u shaqaynayey hay’ad kuwa gargaarka ah oo laga leeyahay dalka Britain.

Labadaasi dhalinyarada ahaa oo la kala yiraahdo Faysal Axmed-Rashiid Xaaji Daahir iyo Cabdalla Sheekh Maxamed Daahir oo ahaa saaxiibo ayaa xilliga la dilay waxay ku qadaynayeen maqaayad ku taalla hoteelka la weerayey.

Haaruun Macruuf ayaa khadka telefoonka ee Nairobi kula xiriiray ehelada marxuumiintaasi.

Waxa uu waraystay Yaasiin Jaamac Ismaaciil oo ay ehel ahaayeen Cabdalla Sheekh Maxamed Daahir.

Sidoo kale Haaruun Macruuf waxa uu waraystay Axmed-Rashid Xaaji Daahir oo ahaa aabaha Faysal Axmed-Rashid oo isna xilligaasi sugayey inay dawladdu kusoo wareejiso maydka wiilkiisa.

Hoos ka dhageyso labada wareysi.

Wareysiga Yaasiin Jaamac Ismaaciil
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:56 0:00
Wareysiga Axmed-Rashid Xaaji Daahir
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:20 0:00

XS
SM
MD
LG