Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo sheegatay weerarka Nairobi


Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay weerar lagu qaaday hotel-ka DusitD2 oo ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo, waxaana kadib la sheegay in rag hubeysan ay gudaha u galeen dhismaha hotelka.

Taliyaha ciidamada booliiska Kenya Joseph Boinet ayaa yiri “Laamaha amniga iyo xaaladaha deg degga ayaa si deg deg ah uga jawaabay dhacdada, waxaana durbadiiba xirnay goobta. Waan maareynay xaaladda, waxaana dad badan kasoo daad gureynay dhismaha. Howlgakana weli waa uu socdaa”

Waxa uu intaas ku daray ““Waxaan ka warhaynaa in weli ay jiri karaan in dambiilayaal hubeysan ay ku dhuumanayaan dhismaha. Ciidamadeena gaarka ah ayaa sida aan sheegay ku guda jira howl-galkan si ay uga nadiifayaan. Waxaan sidoo kale ka xumahay inay jiri karaan dad ku dhaawacmay weerarka, waxaana ku guda jirnaa inaan xaqiijino heerka iyo nooc dhaawacyada”

Warbixino iyo wareysi ku saabsan weerarkan hoos ka dhageyso.

Al-Shabaab oo sheegatay weerarka Nairobi
please wait

No media source currently available

0:00 0:14:48 0:00

XS
SM
MD
LG