Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyey weerar ka socda Nairobi


Nairobi
Nairobi

Ugu yaraan hal qarax iyo rasaas xooggan ayaa lagu weeraray hotel ku yaalla magaalada Nairobi oo lagu magacaabo DusitD2.

Afhayeenka booliska Kenya, Charles Owino ayaa u sheegay taleefishinka Citizen inay rumeysan yihiin in weerarka uu yahay weerar argagixiso.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna ku warrantay in maleeshiyada kooxdaas ay gudaha u galeen hotel-ka.

“Anaga ayaa ka dambeyna weerarka Nairobi, howl-galkana waa mid socda” waxaa sidaas yiri afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Cabdulcasiis Abu Muscab.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in la xaqiijiyey dhimashada hal qof, iyo dhaawaca afar kale.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay inay arkeen ilaa afar rag oo hubeysan oo gudaha u galaya hotel-ka.

Muuqaalo laga soo qaaday goobta la weeraray ayaa muujinaya baabuur holcaysa oo yiillay banaanka dhismaha.

XS
SM
MD
LG