Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Trump oo u hanjabay Turkiga


Trump
Trump

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa uga digay Turkiga inay wajihi doonto burbur dhaqaale haddii ay weerarto kooxda Kurdish-ka dalka Suuriya, marka ay ciidamada Mareykanka ay halkaas ka baxaan.

“Si taas la mid ah, ma dooneyno Kurdish-ka inay daan-daansadaan Turkey” ayuu Trump ku yiri tweet uu soo diray axaddii, isaga oo aan bixin wax faah-faahin ah.

Afhayeenka madaxweyne Erdogan, Ibrahim Kalin oo ka jawaabay qoraalka Trump ayaa jabhadda YPG la meel-dhigay mintidiinta Daacish.

Jabhadda Kurdish-ka Suuriya ee YPG ayaa ahayd xulufada ugu dhow Mareykanka ee dagaalka ka dhanka ah Daacishta ka dagaalanta gudaha Suuriya.

Turkey ayaa sheegtay in YPG ay xiriir la leedahay jabhadda Kurdish-ka ee PKK oo dagaal sanado badan socda kula jirta dowladda Turkiga, ayada oo dooneysa maamul Kurdish ah oo madax banaan.

“Mudane Trump, argagixisada ma noqon karto saaxiibkaaga iyo xulufadaada” ayuu yiri.

Trump ayaa dhinaca kale qoraalkiisa ku sheegay in Ruushka, Iran iyo Suuriya ay yihiin kuwa faa’iidada uga badan ka helay siyaasadda Mareykanka ee burburinta Daacish-ta Suuriya.

XS
SM
MD
LG