Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Digniin u Diray Guddiga Doorashada Congo


Dad codadkooda ka dhiibanaya doorashadi Congo ee 30-ki December
Dad codadkooda ka dhiibanaya doorashadi Congo ee 30-ki December

Dowladda Mareykanka ayaa ka dalbatay Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo in ay shaaciso natiijada saxda ah ee doowashadi madaxtinmo ee dalkaasi ka dhacday dhamaadki bishi hore.

War laga soo saaray Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay, in cunaqabateyn la saari doono cid walba oo isku dayda in ay wiiqdo dimoqraadiyadda Congo.

"Kuwa khatarta ku ah nabadda, amaanka iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo ama ka faa’iida musuqa lagama soo dhaweyn doono Mareykanka, waxana ay la kulmi doonaan cunaqabateyn dhaqaale.” Sidaa waxaa Khamiistii sheegay afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka Robert Palladino.

Madaxa guddiga doorashada Congo, Corneille Nangaa ayaa isaga oo jooga magaalada Kinshasa wariyaasha u sheegay, in natiijada doorashadi dalkaasi ka dhacday 30-ki December ay dib u dhici doonto sababo la xiriira hannaanka tirinta codadka oo si gaabis ah u ku socdo.

Nangaa wuxuu sheegay, in ilaa iyo hadda lasoo ururiyay 20 boqolkiiba sanaadiiqda ay ku jiraan codadka la dhiibtay, sababo la xiriira waddooyinka Congo oo uu ku sheegay kuwo aanan hormarsaneyn.

Natiijada rasmiga ah ee doorashada ayaa lagu wadaa in la shaaciyo Axadda, halka madaxweynaha cusub-na la dhaari doono 15-ka bishaan Jannaayo.


XS
SM
MD
LG