Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Canada: Soomaalida iyo siyaasada dhiiri-gelinta ilmo-dhalista


Farhan Ali
Farhan Ali

Sanadkan cusub, waxaa dalka Canada is-beddel badan lagu sameeyey qoysaska iyo kaalmooyinka dowladda ay ka helayaan.

Waxaa la kordhiyey lacagta canshuur celinta, ayada oo sidoo kale la dheereeyey xiliga fasaxa ee ay helaan qoyska, marka ay ilmo cusub kusoo biiraan.

Hooyada ilmaha dhashay, oo markii horey haysatay fasax hal sano ah, ayaa hadda laga dhigay sanad iyo bar, ayada oo lacagteeda ku qaadaneysa fadhiga.

Dowladda Canada ayaa tallaaabadan u qaadey sababo la xariira, ayadoo doonayso inay dhiiri geliso ilmo-dhalista iyo taranka qoysaska, si ay uga maaranto boqolaalka kun ee qof ee ay siiso magangalyada sanad kastaba.

Siyaasaddan cusub ayaa waxaa aad usoo dhoweeyey bulshada Soomaalida ee dalkaas, oo marka lee eego bulshooyinka kale kaga badan ilmo-dhalista.

Warbixin arrintaasi ku saabsan waxa noo haysa Sahra Cabdi Axmed oo la xariirtey Canada.

Canada: Soomaalida iyo siyaasada dhiiri-gelinta ilmo-dhalista
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:39 0:00

XS
SM
MD
LG