Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muhaajiriintii u Badnaa oo Gaaray Spain 2018


Tiradii ugu badneyd oo muhaajiriin reer Afrika ah ayaa sanadkii hore ee 2018 gaaray dalka Spain, iyaga oo sii maray badda Mediterraneanka.

Sida laga soo xigtay hay’adda muhaajiriinta Caalamiga ah ee IOM, dalka Spain ayaa qaatay 57, 250 qof, marka laga soo bilaabo bilowgii sanadka ilaa bishii December, 26keedii. Celcelis ahaan, waxay tiradu noqonaysaa 160 qof maalin walba.

Tirada dhimashada badda ayaa iyaduna gaartay meeshii u sarreysay, isla muddadaas. Tirada 2018 ayaa 769 qof ka badan tii sanadkii ka sii horeeyey ee 2017.

Kororka muhaajiriinta gaaraya Spain ayaa yimid ka dib markii la xiray dekedaha dalalka Malta iyo Italy.

XS
SM
MD
LG