Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qeyb ka mid ah howlaha dowladda Mareykanka oo weli hakad ku jira


Hakadka ku yimid qeyb ka mid ah howlaha dowladda Mareykanka ayaa maanta galay maalintii tobanaad ayada oo aysan muuqaan xilli ay taasi dhammaan doonto.

Waxaa weli la isku mari la’yahay wada xajaoodyada madaxweyne Donald Trump iyo sharci-dejiyayaasha ee ku saabsansan miisaaniyadda sanadda 2019.

Trump ayaa weli ku adkaysanaya dalabkiisa dhowrka bilyan ee dollar ah, ee uu doonayo inuu ku dhiso darbi kala qeybiya xuduudda dalalka Mareykanka iyo Mexico.

Sharci dejiyayaasha dimoqraadiga ayaa diyaar u ah in qarash dheeri ah loo qoondeeyo sugidda amniga xuduudda, hase yeeshee waxa ay gebi ahaanba kasoo horjeedaan in lacag lagu bixiyo dhismaha darbi.

Miisaaniyadda rubac ka mid ah howlaha dowladda Mareykanka ayaa ku ekeyd 22-kii December.

Aqalka Cad ayaa sheegay in wada-hadallo lagu xalinayey is-marin waagan ay burbureen.


XS
SM
MD
LG