Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Suuriya oo galay Manbij


Mas’uuliyiinta Suuriya ayaa sheegay maanta in ciidamada dowladda ay galeen deegaano muhiim ah oo ka tirsan magaalada waqooyiga bari ee Manbij oo ka tirsan maamulka Xalab.

Ciidamada Suuriya ayaa sheegay inay “damaanad qaadayaan ammaanka buuxa ee dhammaan muwaadiniinta Suuriya iyo dadka kale” ee ku sugan magaalada.

Ciidamada jabhadda Kurdish-ka Suuriya ee YPG ayaa ka codsaday dowladda madaxweyne Bashar Al-Assad inay la wareegto maamulka Manbij, si ay uga bad-baadiso halis uga imaneysa weerark Turkiga.

Ruushka ayaa durba soo dhoweeyey kusoo laabashada Manbij ee gacanta dowladda Suuriya oo ay ugu yeereen tallaabo dhanka wanaagsan.

Codsiga kooxda YPG ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu si lama filaan ah ugu dhawaaqay in ciidamadiisa uu kasoo saarayo Suuriya.

Kooxda YPG ayaa waxaa taageerayey Mareykanka, hase yeeshee Turkiga ayaa u arka koox argagixiso waxaana uu wacad ku maray inuu burburin doono.

XS
SM
MD
LG