Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wadahadalada Yemen oo Maanta la soo Gabagabeynayo


Wahadaladii Yemen uga socday dalka Sweden ayaa lagu wadaa in Khamiista maanta ah la soo gabagabeeyo. Dhexdhexaadiyeyaasha QM ayaa rajeynaya in horumar laga sameeyo arrimo dhowr ah.

Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres ayaa ka qeyb galaya wadahadalada maanta ee magaalada Stockholm si uu labada dhinac ugu dhiiri galiyo in ay meeshii la gaaray horay looga sii socdo.

Dawladda Yemen ee Sucuudigu taageero iyo kooxda Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto ayaa durbaba ku heshiiyey inay maxaabiista isweydaarsadaan.

Warbixinada shirka laga helayo ayaa sheegaya in labada dhinac ay aad ugu dhow yihiin inay ku heshiiyaan in la furo gegida dayuuradaha ee magaalada Sanca, isla markaana la bilaabo dhoofinta saliidda iyo gaaska si dalkaasi uu u helo lacagaha caddaanka ee uu aadka ugu baahan yahay.

XS
SM
MD
LG