Isku xirrada

War Deg-Deg ah

George H. W. Bush oo maanta la aasayo


Madaxweynihi 41-aad ee Mareykanka George Herbert Walker Bush ayaa maanta lagu wadaa in lagu aaso magaalada uu ku dhashay ee Houston ee gobolka Texas.

Diyaarad gaar ah ayaa xalay meydka George H. W. Bush geysay magaalada Houston, kaddib marki xus qaran loogu sameeyay shalay kaniisadda National Cathedral ee magaaladan Washington.

Madaxweynayaasha nool ee Mareykanka, saraakiil milatari iyo dad magac ku leh Mareykanka iyo dunida ayaa ka qeybgalay tacsida qaran ee shalay loo sameeyay Bush.

Tacsi gaar ah oo ay ka qeybgali doonaan qoyskiisa ayaa sidoo kale madaxweyne Bush loogu sameyn doonaa magaaladi uu kasoo jeeday ee Houston.

Tareen si gaar ah loogu sameeyay Gorgre W.H. Bush ayaa geyn doono qabriga lagu aasi doono oo ku dhex yaalla maktabadda uu ku leeyahay jaamacadda A&M University.

Waxaa lagu dhinac duugi doonaa xaaskiisa Barbara oo iyaduna geeriyootay horraanti sannadkaan, iyo gabadhiisa Robin oo geeriyootay iyada oo aad u da’yar.

XS
SM
MD
LG