Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Angola: Soomaali ka cabaneysa sharci la'aan


Dalka Angola waxuu ka mid yahay wadamada ku yaalla Koonfurta qaaradda Africa, waxaana waayadan dambe si ganacsi ah ku tagayey Soomaali u badan rag ganacsi ka abuuraanayey.

Waddanka ayaa markii hore dadka waxaa lagu siinayey sharciyada hanaanka qaxootiga, laakinse dowladda Angola oo hadda soo galootiga Soomaalida ay ka mid tahay ku wargalisey in loo baahanyahay dal ku gal loo saaro sharciga.

Soomaalida ayaa caqabado badan ay soo wajahayaan, maadama aysan jirin safaarad ay Soomalida ku leedahay Angola Jaaliyadda oo ku yar awgeed.

Waxaa ay Ganacsatadu u jeediyeen dhaliil Safaaradda Somalia ee Koonfur Africa oo ay marar badan ka codsadeen inay ka helaan Baasaboorka Soomaaliga.

Haddaba sida xaalka gancsatada uu yahay iyo caqabada ku gadaaman ee sharci la’aanta ugu weyntahay ayaa guddomiyaha Jaaliyada Sharma’arke CabdiNuur Xaaji Cabdi Xassan uu uga waramay Sahra Cabdi Axmed.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:49 0:00

Waxaa naga xasuusin inana la xariirney safaaradda Somalia ee dalka Koonfur Africa, laakinse ilaa iyo hadda aysan noo suuroobin inaan helno, hadii aan helno idaacaddaheena soo socdo ayaad ku maqli doontaan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG