Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo doonaya inuu wada-hadal la galo Taliban


Trump
Trump

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa warqad uu u diray ra’iisul wasaaraha Pakistan Imran Khan waxa uu kaga codsaday in Islamabad ay kala shaqeyso sidii kooxda Taliban loo keeni lahaa miiska wada-xaajoodka.

Khan ayaa maanta weriyayaasha u sheegay in warqadda uu helay saaka oo isniin ah, wuxuuna ballan-qaaday in Pakistan ay sameyn doonto “dhammaan dadaallada suurta-galka ah” si ay gacan uga gaysato hannaanka nabadda Afghanistan.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Pakistan, Mohammad Faisal ayaa kadib soo saaray qoraal uu ku faahfaahinayo arirntan.

“Madaxweyne Trump waxa uu warqadda uu usoo diray Imran Khan ku sheegay in waxa ugu muhiimsan ahmiyaddiisa gobolka ay tahay sidii loogu guuleysan lahaa heshiis ku salaysan wada-xaajood oo laga gaaro dagaalka Afghanistan. Sidaas darteed, waxa uu weydiistay taageerada iyo fududeynta Pakistan”.

Faisal ayaa sidoo kale sheegay in Trump uu warqaddiisa ku qiray in dagaalka Afghanistan uu khasaare gaarsiiyey Mareykanka iyo Pakistan labadaba.

XS
SM
MD
LG