Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda ONLF oo Jigjiga Tagey


Magaalada Jigjiga ee caaismadda maamulka Soomaalida waxaa maanta dib ugu laabtay hoggaamiyaha jabhadda ONLF kadib tobannaan sano oo jabhaddiisu ay la dagaalamaysay xukuumadda Itoobiya.

Wafdiga Admiral Maxamed Cumar Cusmaan iyo hoggaanka jabhadda ONLF ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada, waxaana ay ka qaybgaleen isku soo bax ka dhacay garoon ku yaalla Jigjiga.

Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa soo noqoshada ONLF ka waraystay Af-hayeenka Ururkaas Caddaani Hirmooge oo ku sugan magaalada Jigjiga.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:47 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG