Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo joojiyey kulankii Putin ee la qorsheeyey


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta billaabaya kulamo laba maalmood qaadan doono oo uu la yeelanayo hogaamiyayaasha caalamka ee ku kulmaya dalka Argentina oo marti-gelinaya shir madaxeedka G-20 ee dalalka ugu dhaqaalaha wanaagsan dunida.

Hase yeeshee hal hogaamiye oo ay u muuqato in Trump uusan la kulmi doonin ayaa ah madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin

Trump ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku sheegay inuu go’aansaday inuu joojiyo kulan la qorsheeyey inuu Putin kula yeesho magaalada Buenos Aires sababo la xiriira in Ruushka uusan dib ugu celin Ukraine maraakiib iyo badmaaxiyiin ay ku qasabdeen badda Azov.

Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka, Sarah Sanders ayaa sheegtay in go’aanka lagu joojiyey kulanka lagu gaaray diyaaradda madaxweynaha ee Air Force dusheeda, kadib markii Trump uu warbixin ka helay xoghayaha arrimaha dibedda Mike Pompeo, la-taliyaha amniga qaranka John Bolton iyo madaxa shaqaalaha Aqalka Cad John Kelly.

XS
SM
MD
LG