Madaxa hay’adda sirdoonka milatariga Ruushka ee GRU, oo horey loogu eedeeyey faro-gelinta doorashadii Mareykanka ee 2016 ayaa ku geeriyooday Moscow.
Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa khamiista maanta ah sheegtay in Igor Korobov, oo madax ka ahaa GRU, tan iyo sanaddii 2016, uu arbacadii u geeriyooday wax ay ku sheegtay xanuun darran oo muddo hayey oo ah kansar.
Igor Korobov ayaa ahaa 62 jir.
Dowladda Mareykanka iyo xulufadeyda ayaa GRU ku eedeeyey inay afduubtay ololihii doorashadii madaxweyne ee Mareykanka ee 2016, oo uu ku guuleystay Donald Trump.
Waxaa sidoo kale lagu eedeeyey abaabulka weerar loo adeegsaday gaaska dareemaha dila oo lagu qaaday sarkaal horey uga tirsanaa sirdoonka Ruushka, oo ka dhacay Britain.
Mas’uuliyiinta Ruushka ayaa beeniyey eedeymahaas, oo ay ugu yeereen inay qeyb ka yihiin olole magac dil ah oo ay wadeen reer galbeedka.
Facebook Forum